Man United Oo Guul Ku Soo Xidhatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub, Everton Ayay Garaaceen.

Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Everton kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Kulanka ayaa ahaa mid ay labada kooxood isugu diyaarinayaan kulamadooda todobaadka dambe ee horyaalka premier League isagana hor yimid inta badan xiddigaha muhiimka u ah ee ciyaari doona kulamada premier League.

Man United ayaa ahayd ciyaarta fiican iyaga oo ka awood badnaa Everton oo aan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay iyada oo uu Tababare Rafa Benitez ku dhibaatoonayo in uu fahmo kooxdiisa.

Daqiiqadii 8-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Man United ayaa sii waday dadaalka iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool kale oo ay ciyaarta ku dilaan si ayna Everton ciyaarta ugu soo laaban.

Daqiiqadii 15-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad waxana madax u dhaliyay daafaca dhexe ee Harry Maguire kaas oo hogaanka u dheereeyay ciyaarta kana dhigay 2/0.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa daqiiqadii 29-aad gool qurux badan oo laad xor ah u dhaliyay kooxdiisa Man United kana dhigay ciyaarta 3/0 ay Red Devils ku hogaaminayso ciyaarta.

Wiilasha Solskjaer ayaa qaybtii dambe ahaa kuwa fiican iyaga oo Everton u diiday in ay goolkooda u dhawaadaan iyaga oo si fiican u difaacday dhanka daafaca.

Daqiiqadii 90+1-aad ayay Man United dhalisay goolka 4-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diogo Dalot kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0 ay Kooxda Man United ku hogaaminayso ciyaarta.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Quruxda Badan Ee Ayna Dumarku Ka Baxsadaan Xitaa Quruxdiisa, Iska Baadh Sifooyinkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*