Man United Oo Go’aansatay In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Jack Grealish Laakiin Hal Shardi Ayaa Ku Xidhan.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dib u soo cusbooneysiineyso xiisaha ay u qabto xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Aston Villa ee Aston Villa Jack Grealish laakiin waa hadii uu kaliya kooxda ka tago xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Pogba ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man United kulamadii ugu dambeeyay iyada oo uu tababaraha xulka qaranka France sheegay in uuna Pogba ku faraxsanayn xaalada Man United.

Xiddiga kooka adduunka ku guulaystay ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United iyada oo kooxaha Juventus & Real Madrid doonayaan saxiixiisa.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in hadii uu Paul Pogba uu ka tago kooxda in ay Man United xagaaga u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga Jack Grealish.

Si kasta ha ahaatee Man United ayaa haatanba sii ogsoon in ay Aston Villa dalban doonto lacag dhan 80 milyan oo euro waliba qiimahaas kor u kici doono hadii uu xiddigu sii wado qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa dhaliyay 4 gool sidoo kale 5 kale caawiye ka noqday premier League xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*