Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Wararka La Xidhiidhinaya Myles Lewis-Skelly

Manchester United ayaa ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan daafaca bidix ee Arsenal, Myles Lewis-Skelly, sida ay sheegayaan warbixino.

Ciyaaryahanka 19-jirka ah ayaa la dhibtoonaya inuu boos joogto ah ka helo tababare Mikel Arteta xilli ciyaareedkan, isagoo bilaabay hal kulan oo kaliya oo Premier League ah, iyo 11 kulan oo kale oo uu ka ciyaaray Champions League, FA Cup iyo Carabao Cup.

Dhanka kale, United waxay suuqa u galeen daafac bidix cusub si uu tartan ula galo Luke Shaw isla markaana u xoojiyo kooxda, iyagoo rajaynaya inay dib ugu soo laabtaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Lewis-Skelly waxaa “loo soo bandhigay Manchester United iyadoo loo sii marayo wakiillo” ka hor furitaanka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Warbixintu waxay intaas ku dartay in Manchester United ay Myles Lewis-Skelly “ku jiraan liiska ay ka fiirsanayaan”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga