Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Tababare Ole Gunnar Solskjaer

Manchester United ayaan hadda qorsheyn inay Ole Gunnar Solskjaer ka yarayso waajibaadkiisa Tababaranimo ee kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha reer Norway ayaan wali wax koob ah kula guulaysan Man United tan ilaa markii uu shaqada la wareegay sanadkii 2018 waxana ay kooxdiisu guuldaro la kulantay 3 kulan oo ka mid 4-tii kulan ee ay ciyaaren ilaa haatan.

Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer ayuu shaki fuulay marar badan inkasta oo uu heshiiskiisa haatan ee kooxdu dhici doono ilaa xagaaga 2024.

Sida laga soo xigtay ESPN, Maamulka United ayaa ku qanacsan in uu Solskjaer yahay tababaraha ku haboon ee kooxda ku soo celin kara ku guulaysiga horyaalka kadib markii ay kooxdu la soo saxiixatay xiddigaha Jadon Sancho, Raphael Varane & Cristiano Ronaldo.

Wararka ayaa sheegaya in uu Solskjaer haysto taageerada Maamulka Man United inkasta oo ay kooxdu kaalinta 4-aad kaga jirto kala saraynta premier League kadib 6 kulan oo la ciyaaray xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*