Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Jadon Sancho.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaadhay mustaqbalka xiddiga Jadon Sancho.

Sancho ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Man United ayaa go’aansatay in ay iska iibiso xiddiga Sancho.

Man United ayaa diyaar u ah in ay xiddiga ku iibiso lacag dhan 40 milyan oo euro suuqa xagaagan.

Sancho ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo reer yurub oo ay hogaaminayso Dortmund.

Xiddiga ayaa wacdaro ka dhigay Dortmund qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga