Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Edinson Cavani, Maxaa Cusub?

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Edinson Cavani.

Xiddiga reer Uruguay ayaa heshiis hal sano ah ugu soo biiray Red Devils isaga oo si xor ah ugu soo biiray.

Cavani ayaa kooxda Man United u dhaliyay goolal muhiim ah xilli ciyaareedkan kooxdana ka caawiyay in ay kaalmaha hore ka soo gasho horyaalka.

Xiddiga ayaa bisha February 34 jir noqon doona laakiin Maamulka Man United ayaa doonaya in ay xiddiga heshiis cusub ka saxiixtaan.

Man United ayaa doonaysa in ay xiddiga ka saxiixdaan heshiis cusub oo 2 sano ah oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2022.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*