Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Anthony Martial Kadib Saxiixa Jadon Sancho.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso Anthony Martial haatan markii ay la soo wareegeen Jadon Sancho.

Xiddiga reer France ayaa ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay kadib markii uu kooxda ugu soo biiray 58 milyan oo euro xagaagii 2015.

Kadib markii uu wakhti adag ku qaatay United markii uu Jose Mourinho hogaaminayay kooxda xiddiga 25 jirka ah ayaa sidoo kale ku dhibaatooday kooxda intii uu joogay Ole Gunnar Solskjaer.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa in badan ku adkaystay in uu xiddigu noqon doono xiddiga 1-aad ee Man United laakiin waxa uu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.

Martial ayaa kaliya dhaliyay 7 gool xilli ciyaareedkii hore isaga oo ka dambeeyay xiddiga Edinson Cavani booska weerarka tooska ah ee kooxda Man United.

Wargayska StarSport ayaa sheegaya in ay kooxda Man United diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga reer France inta lagu jiro suuqa xagaagan kadib markii ay heshay saxiixa xiddiga Jadon Sancho.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 6-da Waddo Ee Ugu Fiican Ee Aad Ku Soo Jiidan Kartid Dareenka Wiilka Aad Ka Heshay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*