Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Anthony Martial & Donny van de Beek

Kooxda Man United ayaa badashay go’aankooda ku aadanaa mustaqbalka xiddigaha Donny Van de Beek and Anthony Martial iyada oo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer qorshaynayo in uu is badal weyn ku sameeyo kooxda 1-aad xagaagan.

Xiddiga Van de Beek ayaa ku dhibaatooday Old Trafford tan ilaa markii uu ku soo biiray Man United xagaagii hore waxana uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.

Inkasta oo uu xiddigu ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda hadana Solskjaer ayaa ku adkaysanayay in uu xiddigu ka mid yahay qorshihiisa.

sidoo kale tababaraha Man United ayaa ku adkaysanayay in uu Anthony Martial ka mid yahay qorshihisia kooxda Man United.

Laakiin ESPN ayaa haatan sheegaysa in ay Man United badashay go’aankii ay ka gaadheen mustaqbalka labada xiddig waliba haatan diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan labada xiddig inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*