Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsiga Ay Ugu Jirto Harry Kane

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inaysan sii wadin baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry kane suuqa xagaagan.

Kabtanka reer England ayaa doonaya in uu tartan cusub raadsado isgana tago kooxda Tottenham waxana la filayaa in ay kooxdiisu dalbato lacag dhan 150 milyan oo euro.

Waxa intaas sii dheer in ay Man Unted heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Edinson Cavani Man United ayaana la filayaa in ay diirada saarto xoojinta boosaska kale.

Wararki ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Man United qorshaynayso in ay 100 milyan iyo waliba xiddig ku dalban doonto xiddiga Harry Kane suuqa xagaaga.

Laakiin wargayska The Express ayaa sheegay in ayna arintaas waxba ka jirin maadama ay United diirada saari doonto saxiixa xiddig daafaca ka ciyaara kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Jadon Sancho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*