Man United Oo Go’aan Cusub Ka Qaadatay Goolhaye David De Gea.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay Goolhaye David De Gea u ogolaan karto in uu qaab amaah ah uga tago kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Inkasta oo uu Halyeey ka yahay kooxda hadana Goolhayaha 30 jirka ah ayaa booskiisa u waayay Goolhaye Dean Henderson xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Inkasta oo uu De Gea xoojin karo tartanka Booska Goolhayaha hadana imaatinka Tom Heaton ayaa sii adkeeyay xaalka Goolhayaha reer Spain.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Madaxda kooxda iyo tababaraha Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka fiirsanaya in ay Goolhayaha u ogolaadaan in uu kooxda kaga tago qaab Amaah ah.

Dea Gea ayaa haatan haysta 2 sano oo heshiiskiisa kooxda ah wax deg-deg ahna kuma jiro in uu isaga tago kooxda waxana la sheegayaa in uu doonayo in uu u dagaalamo booskiisa 1-aad ee kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*