Man United Oo Go’aan Baacsigii Ay Ugu Jirtay Declan Rice

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay gabi ahaan baacsigii ay ugu jirtay xiddiga khadka dhexe ee koxoda West Ham ee Declan Rice sida ay sheegayaan wararku.

Waxa jiray warar kooxda Man United la xidhiidhinaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Xitaa waxa jira warar sheegaya in ay Man United Jesse Lingard u adeegsan doonto helitaanka saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Declan Rice xilli ay kooxda West Ham doonayso in ay toos ula wareegto xiddiga Lingard.

Laakiin wargayska Football Insider ayaa sheegay in uuna Declan Rice Ka mid ahayn qorshaha suuqa kala iibsiga ee kooxda Man United oo ayna Man United u dhaqaaqi doonin saxiixiisa xagaaga.

Sidaas darteed United ayaa West Ham u sheegay in ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga reer England oo ayna u dhaqaaqi doonin maadama ay xiddigo kale maskaxda ku hayso.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*