Man United Oo Garaacday Real Betis

Kooxda Man United ayaa garaacday Real Betis kulan ka tirsanaa isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Real Betis ayaa daqiiqadii 15-aad dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Iker Losada kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man United ayaa daqiiqadii 18-aad ku soo laabatay ciyaarta waxana goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Amad Diallo ayaa daqiiqadii 24-aad dhaliyay goolka 2-aad ee Man United waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Man United ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday dadaalada ay ku doonayso goolal kale.

Daqiiqadii 31-aad ayay Man United dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay Casemiro kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Betis ayaa daqiiqadii 61-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Diego Llorente kaas oo ciyaarta ka dhigay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga