Man United Oo Garaacday Kooxda Istanbul Basaksehir & Bruno Fernandes Oo Wacdaro Dhigay.

Kooxda Man United ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Istanbul Basaksehir kulankii 4-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League Kana dhacay garoonka Old Trafford.

Qaybta Hore:

Man United ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo kooxda Istanbul Basaksehir ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.

Red Devils oo doonaysay in ay Istanbul Basaksehir kaga aar gudato guuldaradii lugtii hore ayaan markan wax dhayalsi ah samayn iyaga oo si feejigan ula ciyaarayay kooxda reer Turkey.

Dadaalkii iyo weerarkii Man United ee ay ku qaaday kooxda martida u ah ayaa midho dhaliyay wakhti hore iyaga oo dhaliyay goolal deg-deg ah oo niyad jabiyay.

Sidoo kale kooxda Istanbul Basaksehir ayaa samaysay khaladaad dhanka daafaca ah taas oo Red Devils u fududaysay arimeheeda.

Daqiiqadii 7-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Man United ayaa isla daqiiqadii 12-aad dhalisay gool kale iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford laakiin goolkaas ayaa la diiday kadib markii VAR soo dhex gashay.

Kooxda Istanbul Basaksehir ayaa samaysay khalad weyn taas oo xiddiga Burno Fernandes mar kale u suurtgalisay in uu dhaliyo gool daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta.

Kooxda Istanbul Basaksehir ayaa qaadaysay weeraro goos-goos ah laakiin kubadeeda ayan dhaafayn daafaca kooxda Man United kuwaas oo kuwo isku xidhan ahaa.

Daqiiqadii 35-aad ayay Man United mar kale dhalisay goolka 3-aad waxana markan rikoodhe u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United si qurux badan u ciyaartay waliba u awood sheegatay kooxda reer Turkey.

Qaybta Dambe:

Kooxda Man United ayaa qaybtii dambe u muuqatay kuwo doonayay kaliya in ay ilaashadaan natiijada ay heleen xilli uu tababare Ole Gunnar Solskjaer sameeyay badalo wakhti hore ah si uu u nasiyo xiddigaha muhiimka u ah.

Dhanka kale kooxda Istanbul Basaksehir aya sii waday dadaalada ay ku soo yaraynayaan goolasha laga dhaliyay xilli United difaacanayso goolkeeda.

Daqiiqadii 75-aad ayay Istanbul Basaksehir Dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta kadib markii uu xiddiga Deniz Turuc u dhaliyay gool laad xor ah.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 90+2-aad dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Daniel James kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona sidaas ku gaadhay guul ay u qalmeen kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksehir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*