Man United Oo Duulaan Ku Ah Real Madrid, Maxaa Cusub?

Warbixino ka soo baxay Spain ayaa sheegaya in Manchester United ay gudbisay dalab rasmi ah oo ay ku doonayso inay kaga soo qaadato Real Madrid daafaca reer Brazil Éder Militão, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga 2026, iyadoo kooxda boqortooyada ah ay weli ka fiirsanayso dalabkaas isla markaana aanay go’aan kama dambays ah ka gaarin mustaqbalka ciyaaryahanka.

Sida uu qoray bogga “TEAMtalk”, Militão oo 28 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkan ka qeyb qaatay 16 kulan oo kaliya sababo la xiriira dhaawac, waxaana uu heshiis kula jiraa Real Madrid ilaa xagaaga 2028. Daafaca ayaa weli loo arkaa mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee kooxda, gaar ahaan iyadoo ay dhammaanayaan heshiisyada ciyaartoy waaweyn sida David Alaba iyo Antonio Rüdiger.

Warbixinnadu waxay sidoo kale tilmaamayaan in Manchester United ay qorshaynayso xoojin ballaaran xagaaga soo socda, iyadoo diyaar u ah inay ku bixiso ku dhowaad 200 milyan oo ginni (£) saxiixyo cusub, haddii ay u soo baxdo Champions League.

Bogga “Fichajes” ayaa xaqiijiyay in Manchester United ay soo bandhigtay dalab dhan 40 milyan oo yuuro si ay u hesho Militão, halka Real Madrid ay weli si taxaddar leh u eegayso dalabkaas, maadaama ay ku adkeysanayso ilaalinta ciyaartoydeeda muhiimka ah isla markaana aysan si fudud u sii deyn doonin daafac khibrad leh sida Militão.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu ku soo biiray Real Madrid, Militão uu u saftay 189 kulan, wuxuuna ku guuleystay 3 horyaal oo La Liga ah iyo 2 koob oo Champions League ah, taasoo ka dhigaysa xubin aad muhiim ugu ah difaaca kooxda boqortooyada ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga