Man United Oo Doonaysay In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig U Ciyaara Chelsea Ka Hor Intii Ayna Dhamaystirin Saxiixa Alex Telles.

Kooxda Man United ayaa doonaysay saxiixa xiddiga daafaca Bidix uga ciyaara kooxda chelssea ee Emerson Palmieri ka hor intii ayna dhamaystirin saxiixa Alex Telles sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa ugu dambayn saxiixa xiddiga reer Brazil dhamaystirtay maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga kadib wadahadalo ay maalmo kula jirtay Fc Porto.

Saxafiga reer Italy ee Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay kooxda Ole Gunnar Solskjaer doonaysay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Emerson Palmieri hadii ay seegto saxiixa Telles.

26 jirkaa Emerson Palmieri ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda chelsea xagaagan laakiin xiddiga ayaa ugu dambayn sii joogay kooxda Frank Lampard kadib markii uu ku fashilmay in uu dalab helo.

Man United oo si aad ah u doonaysay xiddiga Telles ayaa qorshaynaysay in ay dhamaystirto saxiixa xiddiga PalmieriĀ  laakiin waxa ay joojisay baacsiga ay ugu jirtay kadib markii ay heshay saxiixa 27 jirka reer Brazil.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*