Man United Oo Doonaysa In Uu Paul Pogba Ciyaaraha Kaga Fadhiisto Old Trafford.

Manchester United ayaa dooneysa Paul Pogba inuu sii joogo Old Trafford ilaa uu waqti ka fadhiisanayo ciyaaraha Kubada cagta sida ay sheegayaan wararku.

Xiddigii hore ee Juventus ayuu 12 bilood ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Red Devils waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu ka tagi doono kooxda.

PSG ayaa la rumaysanyahay in ay diyaarinayso dalab 50 milyan ah oo ay ku doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee koobka adduunka ku guulastay.

Si Kasta ha ahaatee sida laga soo xigtay The Athletic, Kooxda Man United ayaa wali rajo ka qabta in uu xiddiga khadka dhexe heshiis cusub u saxiixi doono kooxda  waliba sii joogi doono ilaa inta uu ciyaaraha ka fadhiisanayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uuna Pogba doonayn in uu u dhaqaaqo kooxda PSG waliba diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Red Devils.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*