Man United Oo Doonaysa In Ay Mar Kale Baanka U Jabiso Xiddig Suuqa Xagaagan.

Kooxda Man United ayaa xiiseyneysa xiddiga Barcelona Antoine Griezmann, waxaana ay dhawaan u dhaqaaqi doontaa weeraryahanka, sida ay wararku sheegayaan.

Barcelona ayaa ku dhawaaqday bixitaankii Lionel Messi todobaadkii hore laakiin wali waxay u baahan tahay inay iibiso xiddigo si ay isugu dheeli tirto kooxdeeda.

Barcelona ayaa ku qasban in ay hoos u dhigto mushaharkeeda mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan waliba doonayaan in ay iska iibiyaan ayaa ah xiddiga Griezmann.

Xiddiga reer France ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Man United, wargayska Todofichaje ayaana sheegaya in qorshaha Barcelona uu rajo galinayo kooxda Man United.

Xiddiga laftiis ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Barcelona isaga oo wakiilkiisa waydiistay in uu u helo wado uu uga boxo kooxda xagaagan.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*