Man United Oo Doonaysa In Ay Hal Mar Wada Dhamaystirto Laba Saxiix, Imisa Ayay Ku Kacayaan?

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay rajeyneyso inay doonayso in ay hal mar dhamaystirto labada saxiix ee xiddigaha Raphael Varane iyo Eduardo Camavinga iyaga oo doonaya in ay ku dhamaystiraan kaliya 75 milyan oo euro.

Daafaca dhexe ee Varane ayaa la sheegay inuu ogolaaday ku biirista Man United laakiin wali kooxda ayaan la heshiin Real Madrid kuwaas oo wali rajo ka qaba sii joogista xiddiga.

Dhanka kale xiddiga da’yarka ah ee khadka dhexe Camavinga ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe Rennes ayaana ku qasban in ay iska iibiso xiddiga halkii ay lacag la’aan ku waayi lahayd xiddiga.

Sida laga soo xigtay Marca, Man United oo haatanba dhamaystirtay saxiixa xiddiga Jadon Sancho ayaa ku dhaw in ay labada xiddig hal mar wada dhamaystirto kuna hesho lacag dhan 75 milyan oo euro.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Rennes diyaar u tahay in ay aqbasho dalab 25 milyan ah si ay u fasaxdo xiddiga Camavinga kaas oo ilaa haatan diidan in uu heshiis cusub u saxiixo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*