Man United Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Xiddig U Ciyaara Inter Milan.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab dhan 26 milyan oo euro oo ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Marcelo Brozovic.

Red Devils ayaa haatanba dhamaystirtay saxiixa xiddiga Jadon Sancho waxana ay u muuqataa in ay horumar ka samaynayso baacsiga ay ugu jirto xiddiga Raphael Varane.

Si kasta ha ahaatee Ole Gunnar Solskjaer ayaa la rumaysanyahay in uu doonayo in uu xiddig khadka dhexe ah ku soo daro kooxdiisa xagaagan.

Sida laga soo xigtay La Repubblica, kooxda Man United ayaa diyaar u ah inay 26 milyan oo euro ku dalbato xiddiga reer Croatia, kaasoo afar jeer u ciyaaray xulkiisa Euro 2020.

Brozovic ayaa udub dhexaad u ahaa kooxda Inter Milan oo xilli ciyaareedkii hore ku guulaystay horyaalka Serie A-da isaga oo caawiye ka noqday 7 gool tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*