Man United Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Xiddig Baxsad Ka Ah Chelsea.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarineyso inay heshiis weyn u soo bandhigto daafac akooxda chelsea ee Antonio Rudiger si ay qaab xor ah ugu hesho xiddiga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 28 jirka ah ayuu heshiiskiisa kooxda celsea dhici doonaa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli uu ilaa haatan diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo Blues.

Sida laga soo xigtay Football Insider, Man United ayaa doonaysa in ay Rudiger keento Old Trafford iyaga oo diyaar ula ah heshiis weyn oo uu kooxda ugu soo biiri doono.

Xiddiga reer Germany ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid iyo Tottenham kuwaas oo doonaay saxiixa xiddiga xagaaga.

Laakiin Man United ayaa haatan ugu cad-cad saxiixa xiddiga sabab la xidhiidha tababaraha Ralf Ragnick oo xidhiidh fiican la leh xiddiga ay isku dalka yihiin.