Man United Oo Diyaarinaysa Dalab Furitaan Ah Oo Ay Ka Gudbinayso Saxiixa Raphael Varane, Imisa Ayay Diyaar La Tahay.

Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay dalab rasmi ah miiska u saarto kooxda Real Madrid si ay ula soo saxiixato xiddiga reer France Raphael Varane inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga ku guulaystay koobka adduunka ayuu hal sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Real Madrid kaas oo dhici doona xagaaga 2022.

Real Madrid ayaa xiddiga miiska u saartay dalab Rasmi ah oo heshiis cusub ah laakiin daafaca dhexe ayaa iska diiday isaga oo doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Idaacada Onda Cero ayaa sheegaysa in ay kooxda Man United wadahadalo kula jirto wakiilka xiddiga waliba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer France.

Isla Idaacada ayaa haatan sheegaysa in ay Man United ahaatan isku diyaarinyaso in ay dalab Rasmi ah oo dhan 50 milyan oo euro miiska u saarto kooxda Real Madrid si ay u hesho saxiixa xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*