Man United Oo Diyaarinaysa 6 Xiddig Oo Ay Iska Iibinayso Suuqa Xagaaga.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay iska iibiso ilaa lix ciyaartoy oo kooxda koowaad ah xagaagan si ay lacag ugu uruuriso saxiixyo cusub.

Red Devils ayaa wali lala xiriirinayaa inay lacag badan kula soo wareegayso Jadon Sancho inkasta oo aan la ogayn in ay Man United bixin doonto lacagta ay Borussia doonayso oo kor u dhaafaya lacag dhan 100 milyan oo euro.

The Telegraph, Alexis Sanchez, Chris Smalling, Marcos Rojo, Phil Jones, Jesse Lingard iyo Diogo Dalot ayaa dhammaantood la filayaa in ay kooxdu iska iibiso xagaaga.

Sanchez iyo Smalling ayaa hada amaah ugu jooga Inter Milan iyo Roma halka Rojo dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Estudiantes halkaas oo uu amaah ku joogo.

Jones, Lingard iyo Dalot ayaa qeyb ka ahaa kooxda koowaad ee United xilli ciyaareedkan laakiin dhamaan seddexda ayaa ku dhibtooday inay si joogto ah ugu ciyaaraan kooxda.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadineysa inay ku soo laabato wadada guusha ee Premier League ka dib barbarihii isniinta ee ay 2/2 la gashay kooxda Southampton marka ay khamiista la ciyaari doonaan Crystal Palace.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*