Man United Oo Diyaar U Ah In Ay Isaga Hadho Baacsiga Harry Kane & Jadon Sancho & 3 Xiddig Oo Sabab U Ah

Kooxda Man United ayaa ku kalsoon in ay haysan doonto weeraryahanada ugu fiican premier League xitaa hadii ayna la soo saxiixan xiddigaha Harry Kane iyo Jadon Sancho xagaaga.

United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Tottenham ee Harry Kane laakiin lacagta lagu iibsanayo ayaa ku dhaw 200 io milayn.

Kooxda Man United ayaa rumaysan in ay xiddigaha Marcus Rashford, Anthony Martial & Mason Greenwood noqon karaan xiddigaha ugu fiican yurub xitaa hadii ayna la soo saxiixan xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Xiddigaha Marcus Rashford, Anthony Martial & Mason Greenwood ayaa dhaliyay 47 gool xilli ciyaareedkan iyaga oo 2 gool ka yar 3-da xiddig ee weerarka uga ciyaara Lverpool ee Sadio Mane, Roberto Firmino iyo Mohamed Salah laakiin ciyaaray in ka yar 20 kulan.

United ayaa rumaysan in uu Rashford u tartami karo abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or sidoo kale Xiddiga Greenwood oo kaliya 18 sano jira noqon karo xiddigaha ugu fiican hadii uu sii wado horumarka si la mid ah ku kalsoon in uu Martial guulo ku gaadhi karo kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Advertisements

Sidaas darteed wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ayna Man United u dhaqaaqi doonin xiddigaha Harry Kane iyo Jadno Sancho laakiin xilli ciyaareedka dambe fursad siin doonto 3-da xiddig ee haatan u jooga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*