Man United Oo Dhaawac Ku Wayday Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Chelsea.

Daafacyada Manchester United Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof ayaa la xaqiijiyay inay maqnaanayaan ugu yaraan hal bil, taasoo dhirbaaxo lama filaan ah ku noqotay Erik ten Hag.

Dhaawacyadan ayaa dhirbaaxo ku ah Man United oo galaysa wakhti muhiim u ah kooxda kuna tartamayaan boosaska champions League iyo FA Cup-ka.

United ayaa ku jirta kaalinta 6-aad ee kala saraynta halka ay gaadhay Semi-final-ka tartanka FA Cup-ka

Kooxda Erik Ten Hag ayaa haatan waayi doona Martinez iyo Lindelof ugu yaraan 4 todobaad taas oo la macno ah in aanu mar kale ciyaari karin.

Lindelof ayaa ciyaaray 19 ka mid ah 20 kulan oo premier League ah waxana uu ku dhaawacmay kulankii Brentford ee Sabtidii.

Waxa lagu badalay Martinez kaas oo dhaawac ka soo laabtay tan ilaa bishi 2-aad laakiin waxa uu haatan mar kale wajahayaa in uu dhaawac kaga maqnaado kooxdiisa kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Brentford.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga