Man United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig Bartilmaameed U Ah Solskjaer.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab furitaan ah oo 12 milyan oo euro ka gudbisay Alex Telles iyadoo rajeyneysa inay Porto hoos u dhigto qiimaha ay ku dooneyso daafaca bidix.

Red Devils ayaa raadineysa xiddig ay la tartansiiso daafacyada kooxda jooga ee Luke Shaw iyo Brandon Williams kadib markii uu Solskjaer ku dhibaatooday booskaas.

Sergio Reguilon ayaa in muddo ah loo arkaayay bartilmaameedka ugu sareeya ee Man United, laakiin wuxuu ku biiray kooxda ay xafiiltamaan Premier League ee Tottenham Hotspur.

Telles ayaa haatan ah bartilmaameedka 1-aad ee Solskjaer wargayska The Guardian Ayaana sheegaya in ay United dalab Rasmi ah ka gudbisay.

Si kasta ha ahaatee dalabka Man United ayaa aad uga fog qiimaha Porto oo la aaminsanyahay in uu yahay 18 milyan oo euro.

Laakiin kooxda Man United ayaa la rumaysanyahay in ay ku kalsoontahay in ay heli doonto saxiixa xiddiga daafaca Bidix xilli ay Porto doonayso in ay iska iibiso xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*