Man United Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Kalidou Koulibaly & Napoli Oo Ka Jawaabtay Dalabkaas.

Kooxda Manchester United ayaa Laga diiday dalab ay ka gudbisay daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly sida ay sheegayaan wararku.

Mustaqbalka xiddiga reer Senegal ayaa la hadal hayaa bilihii ugu dambeeyay iyaga oo kooxaha Man United iyo Man City isku dayay in ay helaan saxiixiisa xagaagii dambe.

Laakiin Napoli ayaa la rumaysanyahay in ay u furantahay in ay iska iibiso Koulibaly xagaagan Red Devils ayaana dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga iyaga oo ka cabsi qaba in ay wawayaan saxiixa Raphael Varane..

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, United ayaa la xiriirtay madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis iyadoo u soo bandhigay dalab 30 milyan ah laakiin dalabkaas si deg deg ah ayaa loo diiday.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Napoli xiddiga 30 jirka ah ku fasixi doonto lacag dhan 50 milyan oo euro inkasta oo uu 2 sano ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda Napoli.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Ficil Oo Uu Ninku Si kama’ ah U Sameeyo Oo Ay Gabadhu Ku Jeclaato Isaga Oo Aan Ogayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*