Man United Oo Dalab Ka Gudbisay Daafacii Ay Ka Garab Ciyaarsiin Lahaayeen Harry Maguire.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 65 milyan oo euro ah ka gudbisay daafaca Inter Milan Milan Skriniar.

Red Devils ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay daafac cusub ku soo kordhiso kooxda ka hor xilli ciyaareedka 2020-21 inkastoo ay la soo saxiixdeen  Harry Maguire xagaagii hore.

Skriniar ayaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu ka tagayo San Siro, iyadoo Manchester City la rumeysan yahay inay aad u xiiseyneyso 25 jirka, kaasoo weli seddex sanno uga hartay qandaraaskiisa kooxda Antonio Conte.

sida laga soo xigtay Tuttosport, United ayaa dalab 65 milyan oo euro ah ka gudbisay daaaca reer Slovakia iyada oo doonaysa in ay xilli ciyaareedka dambe ka garab ciyaarsiiso Harry Maguire.

Wararka ayaa sheegaya in ay Inter Milan doonaysay lacag dhan 80 milyan oo euro sanadkii hore laakiin go’aankeeda ayay badashay sabab la xidhiidha xaalada suuqa.

Skriniar ayaa 36 kulan u saftay Inter Milan xilli ciyaareedkan inkasta oo uu kaliya hal kulan ciyaaray 4-tii kulan ee ugu dambeeyay sabab la xidhiidha ganaax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*