Man United Oo Dajisay Qorshe Ay Kula Soo Wareegayso Xiddiga Tottenham Ee Harry Kane.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay dajisatay qorshe ay ku doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay xiddigo ku darto heshiiska ay ku doonayso saxiixa xiddiga Harry Kane marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga si ay xiddiga ugu xoojiso weerarkeeda xilli ciyareedka dambe.

Harry Kane ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Tottenham xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ay kooxdu u soo bixi waydo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska The Athletic ayaa sheegaya in ayna Man United diyaar u ahayn in lacag kula soo wareegto xiddiga Harry Kane laakiin diyaar u tahay in ay xiddigo u soo bandhigto Tottenham si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Kooxda Man United ayaa diyaarinaya in ay xiddigo dhawr ah u soo bandhigto Tottenham si ay uga doortaan xiddigaha ka qaybta noqon doona heshiiska ay ku doonayaan saxiixa xiddiga reer England.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Kalmado Cajiib Ah Oo Ruxa Qalbiga & Dareenka Gabadha Hadii Ay Kaa Maqasho Nafteeda Ayay Kuu Hibaynaysaa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*