Man United Oo Dajisatay Qorshe Ay Ku Helayso Saxiixa Goolhaye Jan Oblak, Maxay Damacsanyihiin

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay Goolhaye David de Gea Ka qayb dhigto saxiixa ay ku doonayso saxiixa Goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak.

Red Devils ayaa la rumaysanyahay in ay Goolhaye la soo saxiixan doonto suuqa xagaaga xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka De Gea ee Old Trafford.

Dean Henderson ayaa dhankiisa la filayaa in uu isaga tagaan kooxda Man United xilli uu u cabis qabo booskiisa xulka qaranka England.

Wargayska Todofichajes ayaa sheegaya in ay Man United diyaarinayso qorshe ah in ay Atletico madrid u soo bandhigto Goolhaye David De Gea si ay badalkiisa u hesho Oblak.

Goolhaye Oblak ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu kooxdiisa Atletico Madrid ka caawiyay in ay hogaamiso horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*