Man United Oo Dajisatay Qorshe Ay Ku Doonayso Saxiixa Harry Kane, Maxay Damacsanyihiin?

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay tijaabiso go’aanka Tottenham Hotspur iyadoo dalab 90 milyan ginni ah ku dooneysa Harry Kane.

Harry Kane ayuu heshiis 3 sano ah uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Tottenham waxana ay kooxdisu ku dhibaatoonaysaa in ay koobab ku guulaysato.

Kooxda Tottenham ayaa ku adkaysanaysa in uuna xiddiga reer England iib ahayn qiimo kasta oo ay kooxuhu ku doonayaan maadama ayna doonayn in ay ka iibiyaan kooxo premier League ah.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay 90 milyan ku dalbato kabtanka xulka qaranka England si ay u helaan saxiixiisa xagaaga.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Milkiilayaasha Man United doonayaan in ay baanka u jabiyaan Harry Kane si ay u dajiyaan cadhada taageerayaasha kooxda kuwaas oo si weyn ugu kacsan.

Sii Akhriso: Calaamadaha Lagu Garto Jacaylka Shuruudaysan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*