Man United Oo Ciyaari Doonta Laba Kulan Inta Lagu Jiro Fasaxa Koobka Adduunka.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa rajaynaya in ay xiddigaha koobka adduunka kaga maqan ay u soo laabtaan si caafimaad qabta laakiin Man United ayaa ciyaari doonta kulamo saaxiibtinimooyin ah wakhtiga soo socda.

Guushii ay United ka gaadhay Fulham ayaa ka caawisay in ay guul ku soo xidhaan fasaxa koobka adduunka waxana ay sii doonayaan in ay sii wataan diyaar garawga qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man United ayaa ciyaari doonta 2 kulan inta uu socdo koobka adduunku iyaga oo Spain u aadi doona tababarka isku diyaarinta qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kulanka hore ayay Man United 7 bisha December la ciyaari doontaa kooxda Cadiz kulan soo gali doona 9 fiidnimo wakhtiga Somaliya.

Kadib Man United ayaa 10 isla bisha dambe la ciyaari doonta kooxda Real Betis kulan soo gali doona 7 fiidnimo ka hor inta ayna ku soo laaban England.