Man United Oo Chelsea & Man City Ku Cidhiidhinaysa Saxiixa Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Premier League.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Chelsea iyo Manchester City kula dagaallanto saxiixa daafaca kooxda Leicester City Ben Chilwell marka la gaadho suuqa kala iiibsiga xagaaga.

Xiddiga reer England ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Foxes ka hor xilli ciyaareedka 2020/2021 iyada oo ay xiiso u muujiyeen kooxaha Chelsea iyo Man City.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in ay Man United diyaar u tahay in ay kula tartanto kooxaha premier League saxiixa daafaca Bidix iyada oo tababare Ole Gunnar Solskjaer doonayo in uu dhiso koox u tartami karta horyaalka.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 3 gool 4 kalena caawiye ka noqday 33 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Leicester City ayaa la aaminsanyahay in ay Chllwell ku qiimayso lacag dhan 60 milyan oo euro waliba boos adag ka joogto arintiisa maadama uu heshiiskiisu dhici doono ilaa xagaaga 2024.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*