Man United Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Xun Oo Ay Horay Uga Dhigtay Premier League.

Kooxda Man United ayaa dhigtay rikoodhkii ugu xumaa ee garoonkeeda Premier League tan ilaa wakhtigii uu kooxda hogaaminayay Tababare David Moyes.

Red Devils ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Sheffield United Kulan ka tirsanaa horyaalka premier Legaue iyaga oo ku fashilmay in ay hogaanka u qabtaan horyaalka.

United ayaa la kulantay guuldaradii 4-aad 10 kulan oo horyaalka premier League ah oo ay ku ciyaartay kooxdeeeda taas oo ay mida ugu badan tan ilaa xilli ciyaareedkii 2013/2014 markaas oo uu kooxda hogaaminayay Moyes.

Kooxda Man United ayaa wakhtigaas laga badiyay 6 kulan oo ay ku ciyaartay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka prmeier League.

Man United ayaa sidoo kale guuldarooyin kala kulantay kooxaha Crystal Palace, Tottenham Hotspur & Arsenal kulamo ka dhacay Old Trafford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*