Man United Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Leicester City

Kooxda Man United ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Leicester City kulan ka dhacay garoonka King Power Staduim kana tirsan todobaadkii 15-aad.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo weerar iyo weerar celis ah.

Labada kooxood ayaa u muuqday kuwo kala baqayay iyaga oo aan ku deg-degayn weeraro badan iyo waliba kubado cadaadis ah.

Kooxda Man United ayaa ahayd bilowga ciyaarta kooxda fiican iyaga oo maamulayay ciyaarta waliba kubada in badan haystay iyaga oo doonayay in ay hogaanka u furaan ciyaarta.

Daqiiqadii 23-aad ayay Kooxda Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Leicester City ayaa la wareegtay maamulista ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha xilli ay Man United gashay daafac si ay u ilaashato goolka.

Daqiiqadii 31-aad ayay Leicester City dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Harvey Barnes kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baraha 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah walba kulanku ahaa mid adag.

Qaybta dambe:

Kooxda Leicester City ayaa qaybtii dambe ku bilaabaay si dar-dar leh iyaga oo ka fiicnaa kooxda Man United kuwaas oo aan soo galin ciyaarta qaybta dambe.

Laakiin Leicester City ayaan samayn fursado waaweyn oo ay wax saamayn ah ugu samayn karto ciyaartu iyaga oo aan kubado badan oo fursado ah samayn.

Daqiiqadii 79-aad ayay Man United mar kale hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo baas cajiib ah ka helay xiddiga Edinson Cavani isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Laakiin kooxda Leicester City ayaa daqiiqadii 85-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jamie Vardy kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala qaybsadeen dhibcaha kuna sii jiraan kaalinta 2-aad iyo 3-aad

U Gaar Ah Lamaanaha: 4 Cunto Oo Disha Kulanka Sariirta, Iska Ilaaliya, Waa Waajib Idin Saaran Gudashada Kulanka Sariirta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*