
Man United ayaa sii wada natiijooyinkii xumaa premier League iyaga oo bar-baro niyad jab leh la galay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa Premier League.
Man United ayaa kulanka soo gashay iyaga oo doonaya in ay ka soo laabtaan guuldaradii Axadii hore ka soo gaadhay kooxda Arsenal.
Laakiin kooxda ayaa ku dhibaatootay in ay samayso fursado badan iyaga oo xitaa ku dhibaatoonayay in ay maamulaan ciyaarta.
Xiddiga Khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa kooxdiisa ka khasaariyay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa qaybtii hore ee ciyaarta.
Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala nasteen iyaga oo aan wax gool ah dhalin.
Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Man United si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonaya in ay dhaliyaan goolal.
Daqiiqadii 58-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay daafaca dhexe ee Leny Yoro kaas oo ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa.
Kooxda Fulham ayaa daqiiqadii 73-aad dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Emile Smith Rowe kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United dhibco kale lumisay.
Be the first to comment