Man United Oo Bar-Baro Niyad Jab Leh Kala Kulantay Burnley.

Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Burnley kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsnaa premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxood si fiican u ciyaareen.

Man United ayaa maamulaysay ciyaarta iyada oo Burnley ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.

Burnley ayaa daafac ku jirtay iyaga oo marar helay fursado fiican oo ay hogaanka ugu qaban karaan ciyaarta.

Qaybtii hore ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah xilli Burnley muujisay in ay ka badin karto United.

Man United ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay goolka iyaga oo aan ka niyad jabin.

Daqiiadii 79-aad ayay Man United heshay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Antony oo ka faa’iidaystay khalad ay galeen daafaca Burnley.

Laakiin Daqiiqadii 87-aad ayay Burnley heshay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Zeki Amdouni kaas oo gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga