
Manchester United ayaa barbardhac 1-1 ah la gashay kooxda Fiorentina oo marti ugu ahayd garoonka Old Trafford taasoo qayb ka ahayd isu diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kubadda cagta.
United ayaa soo bandhigtay ciyaaryahankeeda cusub, Benjamin Sissoko, ka hor inta aysan bilaabanin ciyaartu ka dib markii ay kooxdu ku dhawaaqday saxiixiisa war rasmi ah oo saaka.
Kooxda Talyaaniga oo uu ku jiro goolhayihii hore ee United David de Gea ayaa hogaanka u dhiibay daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Swiss Simon Somme, halka United ay la timid goolka barbaraha daqiiqadii 25-aad, waxaana gool iska dhaliyay Robin Gosens.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay ayaa koox kasta ay isku dayday in ay mar kale la timaado gool si ay hogaanka ciyaarta ugu qabato,balse isku dayada oo dhan ayay ku fashilmeen in ay gool u badalaan.
Rikoodhayaasha United ayaa dhalisay dhammaan shantii laad ee ay heshay halka Viola ay kaliya u suurtagashay inay dhaliso afar gool, iyadoo Red Devils ay ku adkaatay 5-4.
United ayaa sidaas ku soo gabagabaysay kulankeedii isku diyaarinta xilli ciyaareedka iyada oo aan hal guuldaro la kulmin kadib markii ay bar-baro la gashay Leeds iyo Everton, waxayna 2-1 iyo 4-1 ku garaacday West Ham United iyo Bournemouth, siday u kala horreeyaan.
Be the first to comment