Man United Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday West Ham & Red Devils Oo Iska Khasaarisay Fursad Dahabi Ah

Kooxda Man United ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda West Ham kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 37-aad ee horyalaka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si aad ah u doonayeen in ay natiijo fiican kala baxdo kulanka iyada oo koox walba u jeedo gaar ah ka leedahay kulanka.

Man United ayay go’nayd in ay 3 dhibcood kala baxaan kulanka si ay kaalinta 4-aad kali u noqdaan talaabo muhiim ahna u qaado xaqiijinta booskeeda champions League xilli ciyaareedka dambe.

Dhanka kale West Ham ayaa u baahnayd hal dhibic si ay u xaqiiqsato si joogisteeda horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe taas oo ah waxa ay ka heshay kulanka.

Kooxda Man United ayaa kulanka si xoogan u maamulaysay iyaga oo kubada in badanka haystay West Ham xilli ay xitaa U diideen in ay wax laad ah la helaan Goolka uu ilaalinayay De Gea.

Kooxda West Ham ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah laakiin ku dhibaatootay dhanka gool dhalinta iyada oo kubadoodu ku dhimanaysay daafaca Goolka Man United.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid bar-baro gool la’aan ah ku dhamaan doonto qaybteeda dambe ayay wax walba is badaleen kadib markii ay West Ham Rikoodhe heshay.

Daqiiqadii 45-aad ayuu Paul Pogba isku badalay Goolhaye kadib markii uu gacanta u dhigtay kubad xoogan oo uu laagay xiddig West Ham taas oo rikoodhe lagu dhigay.

Xiddiga Michail Antonio ayaa daqiqiadii 45-aad goolka 1-aad ka dhaliyay kana dhigay ciyaarta 1/0 ay West Ham Ku Hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay West Ham daqiiqadihii ugu dambeeyay dhalisay goolka hogaanka.

Qaybtii dambe ayay Man United ku bilaabatay si dar-dar leh xilli ay West Ham u laabatay dhanka daafaca iyaga oo doonayay in ay ilaashadaan goolka.

Daqiiqadii 51-aad ayay Man United dhalisay goolka bar-baraha ee ay raadinaysay iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mason Greenwood kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Wixii intaas ka dambeeyay labada kooxood ayaa is dhaafsanayay weerarka xilli ay Man United ahayd kooxda maamulaysa ciyaarta halka ay West Ham weeraro rogaal celis ah qaadaysay.

Kooxda Man United ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal kale laakiin West Ham ayaa si fiican u difaacatay goolkeed.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda West Ham Bar-Baro lama filaan ah ku qabatay kooxda Man United.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Warmurtiyeedka Ka Soo Baxay Shirkii Wadatashiga Ee Dawlada Federaalka Somaliya & Dawladaha Xubnaha Ka Ah

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*