Man United Oo Bar-Baraysay Rikoodh Ay 21 Sano Ka Hor Ka Dhigtay Premier League.

Kooxda Man United ayaa bar-baraysay rikoodh ay horay uga dhigtay horyaalka premier League kadib markii ay garaaceen kooxda Fulham.

Goolal ay dhaliyeen Edinson Cavani iyo Paul Pogba ayaa Man United ku hogaamiyay guul soo laabasho leh oo ay ka gaadheen kooxda Fulham.

Kadib guushaas kooxda Man United ayaa bar-baraysay rikoodhka guul la’aanta ugu badan ee kulamada martida horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa xilli ciyaareedkii 1999 dhigtay rikoodh 17 kulan ah oo ay guul la’aan ahaaeen horyaalka premier League kooxda Man United ayaana rikoodhkaas bar-baraysay kulankii Fulham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*