Man United Oo Badalka Jadon Sancho U Calaamadsatay Xiddig Baxsad Ka Ah Chelsea.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa dareenkeeda u jeedin doonto saxiixa xiddiga kooxda chelsea ee Chelsea Callum Hudson-Odoi hadii ay waayaan saxiixa xiddiga Jadon Sancho oo ah bartilmaameedkooda 1-aad.

Man United ayaa maanta dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga iyaga oo Borussia Dortmund miiska u saaray dalab lacag 69 milyan oo euro laakiin dalabkaas ayaa la filayaa in ay Dortmund diido sabab la xidhiidha in ay xiddiga ku qiimayso lacag dhan 95 milayn oo euro.

Wargayska Express ayaa sheegaya in ayna Man United diyaar u ahayn in ay Sancho ka bixiso wax ka badan 69 milyan oo euro waxana ay haatanba bartilmaameedsanaysaa xiddigo ay badalkiisa u dhaqaaqdo.

Wargayska ayaa sheegaya in xiddiga kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi yahay xiddiga bartilmaameedka u ah Red Devils hadii ay ku fashilanto saxiixa xiddiga Dortmund suuqa xagaaga.

Callum Hudson-Odoi ayaa ku dhibaatoonaya chelsea waxana si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana dib u soo cusboonaysiisay xiiseheeda kooxda Bayern Munich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*