Man United Oo Badalka Jadon Sancho Ka Heshay Premier League, Waa Xiddig Xiijiyay Kooxaha Waaweyn.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Wolves ee Pedro Neto sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Portugal ayaa ka ciyaari kara boosas dhawr ah oo dhanka weerarka ah gaar ahaan garabka midig ee weerarka waana boos ay Ma United doonayso in ay xoojiso.

Wargayska The Sun ayaa sheeaya in ay Red Devils isha ku haysay xiddiga Neto muddo dheer waxana lagu qiimeeyaa lacag dhan 50 milyan oo euro.

Man United ayaa la sheegayaa in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga kadib markii ay ku dhibaatootay in ay hesho xiddiga Sancho oo ay muddo ku raad joogtay.

Xiddiga Pedro Neto ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League isaga oo kulan walba soo bandhiga qaab ciyaareed fiican waliba dhiba daafacyada.

Pedro Neto ayaa kooxdiisa Wolves u dhaliyay 5 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 kale 29 kulan oo uu xilli ciyaareedkan u ciyaaray kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*