Man United Oo Aan Midkoodna U Dhaqaaqi Doonin Jadon Sancho Ama Gareth Bale & Sababta Oo La Ogaaday.

Manchester United ayaan la soo saxiixan doonin Jadon Sancho ama Gareth Bale xagaagan, maadaama ay lacagtii ka dhamaatay sida ay sheegayso talkSPORT.

Red Devils ayaa la sheegayay in ay si weyn u gali doonto suuqa kala iibsiga xagaagan lacag badana galin doonto iyada oo si weyn loola xidhiidhinayay xiddiga Jadon Sancho.

Laakiin Borussia Dortmund ayaa 20 jirka ku dalbatay lacag ka badan 100 milyan oo euro taas oo keentay in ay United isaga hadho baacsiga xiddiga.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga Gareth Bale si ay badal uga dhigaan xiddiga jadon Sancho laakiin United ayaa haatan la sheegayaa in ay isagana u dhaqaaqi doonin inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Gareth Bale ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Real Madrid laakiin Tottenham ayaa haatan Real Madrid kaga horaysa baacsiga xiddiga.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*