Man United Mise Newcastle? Benjamin Sesko Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo.

Benjamin Sesko ayaa doorbidaya inuu ku biiro Manchester United ka hor Newcastle xagaagan, sida ay wararku sheegayaan.

United ayaa haatan sare u qaaday wadahadalada ay Sesko ugala soo wareegi lahayd RB Leipzig xilli Ruben Amorim uu doonayo in uu weeraryahan cusub ku soo kordhiyo kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

U dhaqaaqista Ollie Watkins ayaa sidoo kale la tixgeliyey, si kastaba ha ahaatee, Aston Villa ayaa u cadeysay United inaysan ku faraxsanayn dalabyada 29 jirka ah.

Dhanka kale Newcastle ayaa sidoo kale Sesko ka dhigtay bartilmaameedkeeda ugu sareeya iyada oo Alexander Isak uu doonayo in uu isaga tago St James’ Park si uu ugu biiro Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, Sky Germany ayaa ku warameysa in Sesko uu door bidaayo inuu u saxiixo United ka hor Newcastle hadii la siiyo doorashada.

Warbixinta Athletic ayaa lagu sheegay in United ay Sesko ka dhigtay bartilmaameedkooda ‘mudnaanta’ waxaana xiriir lala sameeyay RB Leipzig si loogala hadlo heshiis.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga