Man United Mise Man City? Jack Grealish Oo Loo Sheegay Kooxda Ay Tahay In Uu Ku Biiro Hadii Uu Ka Tago Aston Villa.

Xiddigii hore ee kooxda Man City ee Gareth Barry ayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa Jack Grealish U sheegay in uu ku biiro kooxda Man City iskana diido kooxda Man United si uu ula shaqeeyo Tababare Pep Guardiola.

Kabtanka Aston Villa ayaa kooxdiisa ka caawiyay in ay u tartanto 6-da boos ee ugu sareeya horyaalka premier League isaga oo dhaliyay 6 gool iyo 11 caawin premier League.

Grealish ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Man United sanadkii la soo dhaafay iyada oo Red Devils doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Laakiin Barry ayaa Grealish u sheegay in uu doorto ku biirista kooxda Man City halkii uuku biiri lahaa kooxda Man United.

Isaga oo la hadlaya talkSPORT ayaa yidhi” Haatan waxa aan ku odhanayaa ku raaxayso ciyaarista kubada cagta, waxa uu kabtan u yahay kooxdii yaraantiisa taas oo siisay kalsooni iyo xoriyad uu ku ciyaaro”.

“ha ogaado maasha uu gaadhi doono ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan, hadii uu Aston Villa geeyo booaska Yurub waxa uu dooni doonaa in uu ka ciyaaro tartamada yurub, hadii uu tartamada yurub kala ciyaari Aston Villa xilli ciyaareedka dambe waxa ay noqon doontaa cajiib isaga iyo kooxdaba”.

“Laakiin sheekooyinku ma joogsan doonaan sababta oo ah waxa uu u ciyaarayaa si fiican waxana dooni doona saxiixiisa 4 ilaa 5 kooxood oo yurub ah”.

“Waxa aan jecelahay in uu ku biiro Man City si uu uga hoos shaqeeyo tababare Pep Guardiola kaas oo sii wadi doona horumarkiisa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*