Man United Mise Chelsea? Declan Rice Oo Doortay Kooxda Uu Kaga Biirayo Premier Leageu

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham iyo xulka qaranka England ee Declan Rice ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku biirista kooxda Mna United.

Xiddiga khadka dhexe ee reer England ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo saftay 18 kulan tartamada o dhan waliba daqiiqad kasta ciyaaray premier League ilaa haatan.

United iyo Chelsea ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga 21 jirka ah iyada oo uu Solskjaer taageere u yahay xiddiga.

Laakiin wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Rice saaxiibadiisa u dhaw u sheegay in uuna doonayn in uu ku biiro Man United laakiin doonayo in uu ku laabto chelsea.

Rice ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 80 milyan oo euro waxana uu heshiiskiisa kooxda West Ham dhici donaa xagaaga 2024.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumark: Gabadhey Gacaliyahaagu Hadii Uuna 3-dan Tayo Lahayn Isgaa Fogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*