Man United Mise Arsenal? Daafaca Aadka Loo Qiimeeyo Ee Gabriel Magalhaes Doortay Kooxda Uu Kaga Biirayo Premier League.

Daafaca kooxda Lille iyo xulka qaranka Brazil ee Aadka Loo qiimeeyo ee Gabriel Magalhaes ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Arsenal isaga oo iska diiday kooxda Man United oo sidoo kale doonaysa saxiixisa sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.

Mikel Arteta ayaa suuqa ugu jira xoojinta daafaca kooxdiisa waxana uu aaminsanayahay in uu Gabriel Magalhaes oo ku ciyaara lugta bidix yahay xalka dhibaatada kooxdiisa.

22 jirkan ayay ku raad joogaan kooxaha reer yurub oo ay ka mid yihiin United, Napoli, Everton iyo Arsenal kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Laakiin wargayska ka soo baxa magaalada Lille ee La Voix du Nord ayaa sheegaya in uu Gabriel Magalhaes doortay ku biirista Arsenal.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu xidhiidh la sameeyay qaar ka mid ah xiddigaha Arsenal todobaadkan kuwaas oo u amaanay kooxda.

Arsenal ayaa kaliya looga baahanyahay in ay bixiso 30-ka milyan ee lagu iibinayo xiddiga reer Brazil si ay u hesho saxiixiisa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*