Man United, Man City, PSG, Real Madrid Mise…? Kalidou Koulibaly Oo La Xaqiijiyay Kooxda Uu U Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedkan.

Agaasimaha isboortiga Napoli Cristiano Giuntoli ayaa sheegay In Kalidou Koulibaly uu sii joogi doono Stadio San Paolo xilli ciyaareedkaan haatan.

Intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga oo dhan, Koulibaly ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxaha sida Manchester City, Manchester United Real Madrid iyo Paris Saint-Germain.

Madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa si joogta ah u sheegay in ciyaaryahanka reer Senegal la iibin karo hadii ay jirto koox diyaar u ah qiimaha ay doonayso.

Si kasta ha ahaatee Giuntoli ayaa sheegay in ayna Napoli xagaagan samayn doonin wax saxiix cusub ah sidaas darteed uu Koulibaly uu qeyb ka sii ahaan doono kooxda Gennaro Gattuso.

Isaga oo la hadlaya Sky Italia, Giuntoli ayaa yidhi ”kooxdeena waa dhameystiran tahay, sidaa darteed hada waxaan isku dayi doonaa inaan iska fasaxno kaliya xiddigaha aan kulamada badan u ciyaari karin kooxda xilli ciyaareedkan”.

“Waxaan u maleynayaa in Koulibaly uu sii joogayo, aad ayaan u faraxsanahay, sidoo kale isagu wuu ku faraxsanahay kooxda, waxa kooxda uga hadhay heshiiskiisa 3 sano waxana aan rumaysanahay in uu joogi doono”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*