Man United & Liverpool Oo Laba Kulan Ciyaari Doona Todobaad Gudihiis.

Waxa xalay la soo saaray isku aadka wareega 4-aad iyo 5-aad ee tartanka FA Cup-ka kaas oo ay kulamo xiiso leh ka soo bexeen.

Wareega 4-aad waxa ka soo baxay kulan si weyn loo wada sugayo kaas oo a wada ciyaari doonaan kooxaha sida weyn u xafiiltama ee Man United iyo Liverpool.

Arinta xiisaha leh ayaa ah in ay labada kooxood ee ugu taariikhda weyn Kubada England laba kulan ciyaari doonaan muddo todobaad ah gudeheed.

Ugu Horayn Man United ayaa Axada booqan doonta kooxda Liverpool kulan ka tirsan Horyaalka Premeir league  kaas oo dhici doona 17 bishan haatan ee January.

Kadib Liverpool ayaa markeeda booqan doonta Man United kulan ka dhici doona Old Trafford kana tirsan wareega 4-aad ee FA Cup-ka kulan dhici doona 23 bishan January kuna beegan sabti.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*