Man United, Liverpool, Chelsea Mise Arsenal? Koox Weyn Oo Premier League Ah Oo SI Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Sergio Aguero

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Sergio Aguero ayaa lau soo waramayaa in uu ka fikirayo in uu sii jooogo Horyaalka Premier League marka uu sida xorta ah uga tago kooxda Man City.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay si xor ah ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Argentine ee Sergio Aguero marka uu sida xorta ah uga tago kooxda Man City dhamaada xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 32 jirka ah ayan wadahadalo heshiis kordhin ah la qaadan Man City waxana uu isaga tagi karaa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Daily Mail ayaa sheeaya in uu Sergio Aguero doonayo in uu sii joogo Premier League marka uu ka tago kooxda Man City xagaaga.

Isla wargayska ayaana sheegaya in ay kooxda chelsea haatan tahay kooxda weyn ee xiisaha u muujisay saxiixa xiddiga reer Argentine dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa xagaaga muhiimada siin doonta saxiixa weeraryahan cusub kadib markii uu Timo Werner ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay.

Sidaas darteed Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga Sergio Aguero marka uu ka tago Man City si ay ugu sii hayso premier League uguna xoojiso weerarkeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*