Man United Iyo Chelsea Oo Loo Sheegay Sababta Ayna U Heli Doonin Saxiixa Jadon Sancho.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Jens Lehmann ayaa sheegay in uuna Jadon Sancho xagaaga ku biiri doonin kooxaha Man United iyo Chelsea waliba xiddigu sii joogi doono kooxdiisa Borussia Dortmnd.

Sancho ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxaha Chelsea iyo Man United sanadihii ugu dambeeyay kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku soo qaatay horyaalka Bundesliga.

“Waxan u malaynayaa haatan in uu sii joogi doono sababta oo ah kooxuhu waxa ay haystaan xiddigo badna”ayuu Jens Lehmann u sheegay Daily Str.

“Waa in aad tahay xiddig cajiib ah hadii ay kooxo waaweyn ku doonayaan laakiin marka aad eegto kooxaha Man United, Chelsea ama Man City waxa ay hsytaan 30 ilaa 35 xiddig oo amaah uga maqan”.

“Wax fudud ma ahan in uu Sancho qaato go’aan uu ugu biiri karo kooxahaas sababta oo ah waxa uu ku jiraa bilowgii xirfadiisa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*